Deg Deg:Cali Ciise Oo Caqabad weyn Kala Kulmay Siyaasiyiinta Dhulbahante.

Xiisada ugu kulul ee la xidhiidha ololaha doorashada Puntland waxay iminka u dhaxaysaa siyaasiinta u dhashay Gobolka Sool oo qaarkood u ordaya doorashada Xildhibaanada,Madaxweyne kuxigeenka iyo Dr Cali Ciise oo shaaciyay inuu u ordayo xilka Madaxweynaha Puntland.

Siyaasiin qorshahoodu yahay inay u tartamaan doorashada Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo qaar ka mid ah Indheer-garadka Gobolkaas ayaa wararku sheegayaan inay si weyn uga biyo diidsan yihiin 24-kii saac ee lasoo dhaafey Musharaxnimada Dr Cali Ciise dhawr arrimood oo jira awgeed.

1.Waxay ku tilmaamayaan inuu yahay shaqsi siyaasadiisu ay ku xiran tahay beesha caalamka,gaar ahaan UN-ka taas bedelkeeda MA waxay ka dhigan tahay hadhoow in loo daba fariisan doono QM soo celinta Laascaano iyo dhulka ka maqan gacanta Puntland?

2.Xiriir wanaagsan oo uu la leeyahay Dr Cali Ciise qaar ka mid ah dalalka dariska la ah Soomaaliya,gaar ahaan kuwooda muddo dheer la tuhunsanaa inaysan xal u arkeyn dagaal dhexmara Puntland iyo Somaliland.

3.Inuusan xogogaal iyo waayo aragnimo u lahayn xaaladda gudaha Puntland iyo Tan ciidanka-ba.

4.Dibad joog muddo dheer.

Qodobadaas iyo kuwo kale ayaa noqdey saacadihii lasoo dhaafey doodaha iyo xujooyinka hareerayay siyaasiintaas iyo indheer-garadka Gobolka Sool,waxaase laga war sugi doonaa qaabkay ku wajahi doonaan maalmo ka dib doorashada kusoo fool leh Puntland.

Ugu dambeyntii qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasadda waxay ku miisaamayaan Dr Cali Ciise goorta uu kasoo gudbo arrimaha cakiran ee uga furan gudaha.