saacado kooban ay ka hadhsan tahay ku dhawaaqista liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo gacanta ugu jira gudida xalinta khilaafaadka iyo ansixinta ee gollaha wakiiladda Puntland ayaa waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland ka socda abaabul xoogan oo ay wadaan musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada iyo isimadda dhaqanka Puntland oo ka walaacsan in liiskaasi laga waayo shakhsiyaad badan oo ay soo xuleen isimaddu.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO KULANKII MAANTA

Isimadda dhaqanka Puntland ayaa intooda badan ka walaacsan in liiska xildhibaanada cusub lagu soo dari waayo dad badan oo ay siiyeen nugul cadeyn ah iyo saxiixyadooda, kadib markii la sheegay in fara gelin lagu sameeyey xildhibaanada cusub.

Islaan Xuseen Xaaji C/salaan oo kamid ah isimadda dhaqanka Puntland iyo qaar kamid ah musharaxiinta ayaa hore u sheegay in fara gelin lagu sameeyey xildhibaanada cusub soo xulistooda halka qaar kamid ah xubno badan oo ay soo xuleen isimadduna ay sheegeen in xukuumadda Gaas ay fara gelisay oo ay ku badaleen dad kale oo la garab ah.

Si gaar ah waxaa walaac xoogan uga muujinaya arintani xubno badan oo hanjabaado iyo caga jugleyn kala duwan kala kulmay xukuumadda madaxweyne Gaas, waxaana musharaxiinta iyo shacabkuna ay dalbanayaan in si cadaalad ay ku jirto loo soo dhamaystiro xubnaha cusub ee kamid noqon doona xildhibaanada Baarlamaanka Puntland