Kulan deg deg ah oo ay isagu yimaadeen Guddiga horumarinta Buuuhoodle SBG waxay kaga hadleen xaalada haatan ka soo cusnoonaatay gobolka cayn.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Guddiga ayaana Ku baaqay in Xaalada Buuhoodle la dejiyo sida ugu dhakhsaha badan loona baahan yahay in gacan laga gaysto:
Waxaana Guddigu ay soo saareen Qodobadan.
1 Waxay tacsi u Dirayaan eheladii uu ka Geeriyooday Marxuun abdirisaaq Caano Kurus
.2 Waxay Guddigu ku baaqayaa in gacanta lagu soo dhigo Gacan ku dhiiglihii falkaasi gaystay lagu Dilay Marxuunkaasi.
3 Guddigu Waxay Bulshada Buuhoodle ugu baaqayaa in laga shaqeeyo nabad Galiyada Deegaanka
4 Guddigu waxay soo jeedinayaan in La dar dar Galiyo Qorshaha Maamul u samaystay Buuhoodle oo horay Qorshaasi oo Loo waday.
Ahmed Xaashi Abdile
Gudoomiyaha BSG