Deg Deg:Guddoomiye Mursal iyo Farmaajo oo Hal Arrin isku mari la’

Warar hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan uu ka diiday Madaxweyne Farmaajo inay dib ugu soo laabto Hoygii uu ka degenaa Madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Mursal ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu usoo guuro Guri ku yaala Agagaarka Tiyaatarka Qaranka halkaas uu doonayo inuu howlihiis Golaha ka wado.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha Dalka uu ergo u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo doonayay inuu Halkii uu ka degenaa Madaxtooyada lagu soo celiyo laakiin Guddoomiyaha ayaa ka biyo diiday isagoo sheegay inuu ku shaqeynayo Hoyga cusub uu degayo.

Khilaafkii u dhaxeeyay Guddoonka Golaha Shacabka oo kala qeybsamay iyo Xukuumadda oo iyana Khilaaf uu kala dhaxeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la xaliyay waxaana maanta lagu wadaa Muddo ka dib in Xildhibaanada Baarlamaanka ay kulan  ku yeeshaan Xarunta Golaha.

Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa la sheegay inuu wali ka careysan Falkii ay Madaxda Dalka Hoygii uu ka degenaa Madaxtooyada kaga jareen Raashinka, Biyaha iyo Korontada xilligii ay taagneyd Xiisada Khilaafkii ka dhashay Warbixintii ay soo saareen Guddiga Maaliyadda.

Tan iyo markaas Mudane Mursal wuxuu degan yahay Hotelka ku yaala Agagaarka Garoonka Diyaaraddaha Aadan cadde halkaas oo ay ku badan yihiin Xildhibaanada Mucaaradka.