600 Deg Deg:Ciidan Lagu Laayay Boosaaso | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Ciidan Lagu Laayay Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab i magaalada Boosaaso ku dileen sadex askari oo katirsan ciidamada Puntland.

Sida aan Wararka ku helnay kooxo biskoolado ku hubeesnaa ayaa goob mehrad ah waxa ay ku dhax dileen sadex askari oo katirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland gaar ahaan kuwa ka dagaalama aaga buuraha Galgala.

Goobjooge ayaa ku waramay in sadexda askari ee katirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland lagu dilay meel ku dhaw xarunta dhexe ee shirkada isgaarsiinta Golis ee kutaala magaalada Boosaaso.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkan loo geestay ciidamada katirsan Daraawiishta Puntland, waxaana war kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidankan lagu weeraray goob isku imaatin ah .

Ciidamada maamulka Puntland ayaa howlgalo balaaran ka sameeyay aaga lagu dilay ciidamadan katirsan Daraawiishta Puntland, lamana oga in howlgalkaasi ciidamada Puntland kusoo qabteen kooxdii dilka geesatay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...