600 Madaxweyne Gaas oo Lacag u Doontay Imaaraadka iyo Halis ka Dhalan karta | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Madaxweyne Gaas oo Lacag u Doontay Imaaraadka iyo Halis ka Dhalan karta

Madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan Garoowe kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland.

Gaas oo la aaminsan yahay inuu ku hungoobay inuu Puntland gaarsiiyo meel sare shantii sano ee uu xafiiska joogay, ayaa hada doonaya inuu kursiga kusoo laabto si uu ula dagaalamo dowlada Farmaajo.

Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa kadib wuxuu u duulay wadanka Imaarate-ka Carabta ,si uu uweydiisto lacago uu doorashada ku galo.

Dad xogogaal ah ayaa sheegay in Gaas uu diyaar u yahay inuu fuliyo qorshooyinka Emirate-ka ee Soomaaliya, hadii ay ka caawiyaan inuu markale kusoo laabto xafiiska.

Cumar Cabdirashiid ayaa dhex dhexaadiye ka ah labada dhinac, isagoo doonaya inuu damiinto Gaas, hadii ay Carabtu ogolaato iney lacag bixiso.

Waxaa laga cabsi qabaa iney usoo deyriyaan madaama dhowaan ay Dubai ka balan qaaday Dowlada dhexe ee Soomaaliya iney joojin doonto faragalinta qaawan, oo ay ku heyso gudaha Soomaaliya.

Hadii uu Gaas wax dhaqaale ah kasoo waayo Emirate-ka waxaa la aaminsan yahay inuusan wax natiijo ah ka keenin doono doorashada ka dhici doonta Puntland 8da bisha Janaayo. 

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Dib u Qabsan Lahaa Sool,
- Jan 17, 2021
Xukumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa Labadi Sane ugu danbysay waday Qorshaha dhisme ciidan ...
Daawo Somaliland oo bilowday si hoose inay u dhacdo guryaha qurbajooga SSC ee laascaanood
- Jan 17, 2021
Daawo Somaliland oo bilowday si hoose inay u dhacdo guryaha qurbajooga SSC ee laascaanood
Deg Deg Daawo:Cali Mahdi oo Ka Digay Halis dhici karta Hadii Lagaadho 8 February,
- Jan 17, 2021
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga ...
Deg Deg:Itoobiya Oo wefti Culus usoo Dirtay Buuhoodle.
- Jan 17, 2021
Wafti ka socda Dawlad deegaanka somalida oo ka Qayb lixaad leh ka Qaatay Nabadta ...
Deg Deg Daawo Xildhibaan Mahad Salaad Oo Dhaliil Kulul Uu Jeediye Farmaajo
- Jan 17, 2021
https://www.youtube.com/watch?v=hPrCNCYuPSE