Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ayaa booqday Saldhiga Ciidanka Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ay halkaas ku leeyahiin.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Madaxweynaha oo Safarkan uu ku wehelinayay Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland janaraal Aadan Maxamuud Ibraahim waxaa uu halkaas kula hadlay Cutubyo katirsan Ciidamada jiida hore ku sugan isagoo sheegay in la qaadi doono howlkii ugu danbeeyay oo Jubbaland ay dhulkeeda ku xoraynayso.
Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in isku furida Magaalooyinka xorta ah iyo xoraynta kuwa aan wali gacanta ku jirin ay isku mar noqon doonto dhamaan Ciidamada kala duwana ay heegan buuxa ku jiraan isagoo hoosta ka xarii
