600 War Deg Deg Ah Daawo :Isimada Puntland Oo Soo Saaray Bayaan Afar Qodob Ka Kooban, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo :Isimada Puntland Oo Soo Saaray Bayaan Afar Qodob Ka Kooban,

Garoowe{Khaatumonews} Issimada Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe ayaa bayaan afar qodob ah ka soo saaray doorashada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

ssimada ayaa sheegay in ay doonayaan in doorashada Puntland ku dhacdo si dagan oo xasiloon, isla markaana musauuliyada amnigu ay tahay masuuliyad wadareed cid kasta oo reer Puntland looga baahan yahay in ay ka shaqeyso.

Sidoo kale Issimada Puntland ayaa sheegay in ay markasta la socon doonaan xaalada doorashada tan iyo inta ay ka dhamaanayso.

Bayaanka ay Issimada Puntland ka soo saareen doorashada oo warbaahinta u akhriyay Suldaan Bashiir Muuse ayaa kala ahaa.

  1. In la wada-qaato masuuliyad wadareed, cidkasta ay xil iska saarto sidii loo heli lahaa doorashado ku dhacda nabad iyo xasilooni.
  2. In Guddiga xalinta khilaafaadka lagu aamino in ay soo ansixiyaan soona saaraan xildhibaaanadii beeluhu soo xusheen, Issimudan soo saxiixeen.
  3. In musharaxiin yihiin masuuliyiin muwaadiniin ah, xilna ka saaran yahay la shaqeynta Guddiga doorashada iyo laamaha amniga.
  4. In taliyaasha amniga ay masuul ka yihiin amniga guud, musharaxiintu ay u siman yihiin.
Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...