Dhamaan Akhristayaasha Shabakada Khaatumonews.com waxaa Ay Halkan Idiin  ku soo Gudbinaysa Warbixin yaro aanu Ku Lafo Gurayno Xilka Madaxweyne KU xigeenka Puntland.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Mudadii  Ku dhaweyd 20 Sano ee Puntland Jirtay Saamiga Labaad Ee maamulkaasi waxaa Lahaa Gobolada SSC Halka Ka Koobaadna ay Lahaayen Beelaha Majeerten Kaalinta Sadexaadna waxaa Soo gala Beelaha Warsangali.Leelkase iyo Wixii lamid ah.

Hadaba Waxaa Is weydiin mudan Maxaa Wiiqay Awooda Madaxweyne KU xigeenka puntland Oo Sida Hada Cad Aan Wax Samayn ah Ku lahayn puntland.

Doorashada Iyo Isbadelka dhan ee hada ka socda Puntland wax Talo iyo tusaale ah Kumalaha Madaxwyne Ku xigeenka Puntland Mudane Camey.

Goormay Wiiqan Tahay Awoodii madaxweyne Ku xigeenka?

Waxaa Ay Wiiqan tahay maalintii Gobolada SSC Sool Sanaag Ay gacanta Ugalen SNM Waxaana Markhaati madoon ah In Nin Dhulkiisa Uu ka soo jeedo aysan puntland Ka qaadin Cashuur Maamulka Puntland-na Uusan Gaarsiiisne In uu Isagu saas KU qabo faa iido oo cashuurta Garoowe laga qaado masaakiinta Uu Mushahaar uqaato iyadan Shilin Ka soo galin Puntland SSC.

Maanta Hadi Sool Sanaag Cayn gacanta Puntland Ku jiri lahaayen Camey waxaa uu Noqonlahaa Nin Talada aan Lala dhaafin Waxaana Hubaal ah In Camey iyo Shaqsi kasta oo SSC ah uusan Samayn Ku yeelan Doonin Dawladnimada Puntland madaba uusan ahayn shaqsi xukuma ama gacanta ku haya deegaankiisi.

Maxaa Looga Rucleeya xilkaas KU xigeen.

Hadaad tahay Camey iyo hadaa tahay Mid hada Doonaya in uu xilkaasi Doono Mid Laabta sii gali in aad tahay Nin Ushaqo tahay Xafiis uusan Waxba ku lahayn Mushahaarna ka qaata Islamarkaana cidii Booska Geesatay Aanay Katala Kalin Karin Isbedalka Xafiiska iyo Arrimihiisa.

Hal-hayska Caan Baxay Garoowe ayaa ah Marka uu Hadlo Nin SSC Ka soo jeeda kana hadlo Arrimaha Puntland waxaa ay dhahan shacabka xorta ah ee Puntland’Ha Ujoojin Nasab maahe’

Waxaan Ku soo  Xidhaya Qoraalka Awooda Iyo Dadnimadu waxaa ay Ku imaan Lahayd Maanta Iyadoo Puntland Ay kamid ahaan lahaayen SSC markaas ayuu gaas iyo kii kalaba kuu tixgalinlaha.

W/Q Cabdinur Cartan