Deg Deg:Gudoomiye Mursal Oo Digniin U Diray Xukumada Nabad iyo Nolol

Xog gaara ayaa sheegeysa in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan uu ka digay in Xabsiga lagu sii hayo Wadaadka Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Dowlada Federaalka ay kasoo xiratay Magaalada Baydhabo.

Mukhtaar Roobow oo Dowlada ay ku eedeysay inuu Hub iyo Ciidamo galiyay Magaalada Baydhabo isla markaana uu qalalaaso ka abuurayay ayaa wali lagu hayaa Magaalada Muqdisho, iyadoo dhowr jeer lagu dhawaaday in la siidaayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Heshiisyada uu la galay Ra’iisul wasaare Kheyre ay ka mid aheyd in xabsiga laga sii daayo Abuu Mansuur ayaa u muuqda inuusan wali fulin.

Sarkaal ka shaqeeya Xafiiska Guddoomiyaha ayaa inoo sheegay in Digniintii ugu dambeysay uu u diray Madaxda Dalka si xuriyadiisa dib loogu celiyo Mukhtaar Roobow.Advertisement

Qodobo dhowr ah ayay isku fahmi la’yihiin Roobow iyo Dowlada Federaalka, waxaana ka mid ah in Ciidankiisa lagu daro Maamulka Koofur Galbeed oo lagala wareego iyo inuu Shacabka si toos ah uga raali galiyo xasuuqa uu u geystay intii uu ahaa Hogaamiyaha labaad ee Al shabaab.

Si kastaba ha ahaatee Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanda Koofur Galbeed oo ku cadaadinaya inuu xabsiga Dowlada kasoo daayo Roobow oo taageero badan kaheysta Shacabka Koofur Galbeed.