600 Deg Deg:Cali Ciise Cabdi OO Usharaxan Doorashada Puntland | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Cali Ciise Cabdi OO Usharaxan Doorashada Puntland

Garoowe{Khaatumonews}Waxaa jira xogo & hadal hayn Saxaafadda bulshadu qorayso kuwaasi oo ku saabsan in saacadaha soo socda uu shaacin doono inuu xilka Madaxweynaha Puntland u tartammi doono Dr Cali Ciise Cabdi oo ah dhaqaallayahan dunida magac weyn ku leh.

Khaatumonews oo kuur-gashay arrintan ayaa ilo lagu kalsoonyahay ay u xaqiijiyeen inay jirto oo Cali Ciise isku sharraxi doono xilka Madaxweynaha Puntland maalmaha inagu soo fool leh-na uu Garoowe soo gaadhi doono.

Dr. Cali Ciise Cabdi,” Waa maamulaha Machadka HESPI, waa dhaqaale yahan heysta PHD, waxaa uu 10 sanno ka soo shaqeeyey xillal sare-na uu ka soo qabtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF, waxaa kale oo uu lataliye usoo noqday 30 dal oo Afrikaan ah.

Dr, Cali Ciise oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa dad badan u arkaan in uu yahay shaqsi miisaan weyn ku yeellan kara doorashada laba toddobaad ka dib qabsoomi doonta, waxaana haddii uu ku guulaysto xilka Madaxweynaha ay dad badan oo siyaasadda Puntland falan-qeeya ay tilmmaamayaan in horumar ku imaan doono dhaqaalaha,ammaanka iyo sugidda xuduudaha.

Cali Ciise oo aad uga soo horjeeda kala go’a Soomaaliya & joogitaanka maamulka Somaliland ee gobolka Sool ayaa wax ka asaasay Khaatumo 2012 tasoo hadafka uu wax uga asaasay ay ahayd midaynta bulshada SSC siyaasiyan & in Somaliland laga saaro Laascaanood & guud ahaan gobolka Sool, wuxuna ka gaabsaday qaddiyadan markii Dr, Cali Khaliif uu wada-hadallada la furay maamulkaas.

Tan iyo markii ay soo baxday xogta ah in Cali Ciise isku sharraxayo qabashada xilka Madaxweynaha Puntland waxaa jira tageero xooggan oo uu qaybaha bulshada Puntland ay u muujinayaan, iyagoo xusaya in maamulkan 20-jirsaday uu furi karo hadduu guulaysto bog cusub oo ah maamul wanaag,midnnimo, hufnnaan & isla xisaabtan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Somaliland oo lagu fashilay laascaanood
- Jan 16, 2021
kulan ay iskugu yimaadeen haweenka magaalada laascaanood ayaa looga hadlay tacadiyada ka jira laascaanood https://www.youtube.com/watch?v=r0dY84WK0_k https://studio.youtube.com/video/r0dY84WK0_k/edit https://studio.youtube.com/video/r0dY84WK0_k/edit
Somaliland Oo Dhigtay Qorshaha Dilalkii Buuhoodle Ka Dhacay
- Jan 16, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka cayn wali ka taagan Xiisaad Colaadeed oo ...
Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada BUUHOODLE,
- Jan 14, 2021
Waxaa Dagan xaalada Magaalada Buuhoodle Ee xarunta Gobolka cayn oo saacadii ugu danbeyay ...
Garaad Cabdirashiid Oo Kula Shiray Duleedka Garoowe Wasiirada Xildhibaanada iyo Taliyaasha Ciidanka Barkad ee Puntland Ku jira
- Jan 14, 2021
Garaad Cabdirashiid waraaba Dheere garaadka Beesha Guuleed Faraad {Barkad}ayaa kulan Kula qaatay Duleedka ...
Labo Nin oo Jeelka Laascaanood Lagu Kufsaday
- Jan 13, 2021
Waxaa Ka taagan magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka sool dhacdo la yaab leh oo naxdin ...