600 Deg Deg: Farmaajo iyo Xildhibaano Kulan Qarsoodi ah ka yeeshay Doorashada Puntland | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg: Farmaajo iyo Xildhibaano Kulan Qarsoodi ah ka yeeshay Doorashada Puntland

Muqdisho{Khaatumonews}Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan gaar ah Madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Kulankan uu codsaday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay Doorashada dhawaan la qorsheynayo inay ka dhacdo Puntland taasoo dhowr Musharixiin ay ku hardamayaan Xilka Madaxweynaha xiga ee Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa codsaday in la shaqeeyo sidii ay Doorashada ugu dhici laheyd Hab Cadaalad oo muran iyo isqabqabsi uusan ka imaan isagoo ugu baaqay Xildhibaanada Siyaasiyiinta inay la socdaan arrimaha doorashada.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Puntland ku amaanay Nabad gelyada iyo Horumada ay ku talaabsatay isagoo sheegay in Dimuqraadiyad lagu yaqaano Dowlad Gobaleedka Puntland sidaa darteedna ay Doorashada u dhicidoonto si Habsami leh oo aan Muran ku jirin.

Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanadaPuntland ee ku jira Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u sheegay Madaxweynaha in wanaagsan ay ku socdaan wax waliba, isla markaana ay si gaara ula socdaan meelaha wax kala marayaan, iyagoo wada tashiyo joogta ah la yeesha Waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kaga digay Masuuliyiintan inay faragalin ku yeeshaan Doorashada maadaama Dowlada Federaalka ay matalaan isla markaana ay jiraan tuhuno ah inay wadato Musharixiin qaar.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...