Yaa Fashiliyay Isimada Dhulbahante’

Dagaalkii Mudada Badan Ka socday Koonfurta Sool waxaa Uu U Muuqday Mid Imtixaan Ah oo Lagu Kashifaayay Dadkii Ehelka U ahaa Walaalaha Halkaasi Isku Dubanaayay.

Mudo Dheer oo dagaalkaasi Soconaayay waxaa Markasta Nabadeenta Dagaalkaasi Galaayay Isimada Dhulbahante Oo Tiro ahaan Hada ku dhow ilaa 14 Isim,iyo Waxa loo Yaqaan Cuqaasha oo ah Horjogayaasha Jifiyaha ay Ka soo jeedan,

In ka badan 7 jeer ayay Isku Dayen Isimada Dhulbahante In ay Damiyan Colaada Balse Fashil ayay Markasta Fooda Galisa,

Maxa Sabab u ah In Aysan Isimada dhulbahante Nabad Ka Dhalin Koonfurta Sool.iyo Taleex

Sababta ugu weyn ayaa Lagu tilmaama in aysan Isimadaasi Lahayn Laba waxyaabood oo kala Ah Go’aan Daacadnimo ah iyo Hanti la aan.

Qodobka Go aanka Daacadnimada ah ayaa Ka baxay goobta kadib markii isimadu ay noqden Kuwo u kala Shaqeenaya Puntland iyo Somaliland Oo Midkasta huwan yahay Shaadh Maamul Isagoona Markasta Laga Shidaalinaayo Hargaysa ama Garowe hadafka uu meesha u joogana uusan ahayn nabad Iyo Dar ilaahay ee ay tahay Mashruuc u ku mushahaar qadanaayo.

Qodobka Labaad aya ah Malaha Isimadaasi Mid qudhiyo Hanti ku kala Furan Kara Beelahaasi Mana awoodi Karen Marqudha Isimada dhulbahante inay Dhahan Wixii halkaasi Ka dhacay Waanu qeybsano dhulbahante ayaa bixinaya haday doonan Haba La Aadan markaasi Tolkoos iyo daarood.

Maxa sabab u ah In aysan Isimadu Qaadi karin hanti ama aysan laba beelood ku kala fura karin Hanti.

Waxaa Sabab U Ah Isimada Malaha Dhaqaale Mana jiro Isim Isagu khaas ahaantiisa u leh Dhaqaale Buuran Marjiciisi iyo beeshii u Waxa u qaado kula laaban lahaa Kalsooni kama Qabo.

Markii Daarood Soo gacan galiyay Gogosha Waxaa dibada looga saaray Isimada dhulbahante Kadib markii lagu Sameeyay Qiimayn ah Maxay tari karan Mayse Soo Kordhin Karan lana eegay Umadii ay Nabada Ku jiren iyo Qiimo ahaan Meeshay taagan yihiinWaxaana soo baxay 0+0

Najiidata Ayaa noqotay Iska Jooga Guryihiina Taaso Dhabar jab iyo Bahdil ku noqotay isimada Waxaana Ay taariikhda Ka galen Baal Madow iyado Ay Intaasi u dheer tahay In Aan Lagu Haleen Doonin Shir nabadeed oo Danbe.

Su’aasha taagan ayaa ah Maxaa Diidaya In beeshu badasho Horjoogaha Fashilmay Ee Fashilkiisa Ilaa Darisku Arken?

Gunaanadkii Qoraalka waxaan Ku Soo xidhaya In Gogosha Laga Bartay Fashilinta Isimada SSC.