Muqdisho{Khaatumonews}Qarax aad u xoogan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw xaruntii Hay’ada Nabad sugida ee Godka Jilacoow .

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Wali si dhab ah looma oga halka lala bartilmaameedsaday qaraxan oo ahaa mid xoog badan oo laga maqlay inta badan Muqdisho, waxaana aaga qaraxu ka dhacay laga arkayaa uuro madow oo cirka qabsatay.

Ciidamada amaanka ayaa si deg deg ah u xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi gaaraya gaadiidka gurmadka deg dega ah si ay u qaadaan dadka waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaasi.