War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Khaatumo News ayaa sheegaya in dadkii ku dhintay qaraxyadii xoogaa ee maanta ka dhacay Muqdisho uu ku jiro Wariyaha caanka ah ee Cawil Daahir Salaad oo kamid ahaa masuuliyiinta Telefishinka Universal.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maamulka Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in qaraxii ka dhacay agagaarka Tayaatarka Qaranka ay ku dhinteen Wariye Cawil Daahir iyo sadex kale oo kamid ahaa shaqaalaha Telefishinka Qaranka.

Wariye Cawil Daahir ayaa kamid ahaa Wariyaasha ugu caansan Soomaaliya, waxa uuna Wariyahan ka yimid dalka Ingiriiska uu mudo kunoolaa , waxa uuna hada kamid ahaa Wariyaasha iyo masuuliyiinta Telefishinka Universal.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii saakay ruxay magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, waxaana qaraxyadan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay kamid ah Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya,