Deg Deg Daawo Sawiro{Qarax Labaad Oo Ruxay Muqdisho!
December 22, 2018
Qaraxan labaad oo isagana loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa la sheegayaa inuu ku qarxay agagaarka taalada Daljirka Daahsoon.
Lama oga nooca gaariga loo adeegsaday qaraxan, balse xaaladda ayaa waxay tahay mid qasan, waxaana la maqlayaa rasaas ciidamada dowladda ay ridayaan.
Sidoo kale lama oga khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxaan hadda dhacay iyo kii hore ee ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.
Ciidamo badan oo ka tirsan Koofi gaduuda Madaxtooyadda Villa Somaliya ayaa banaanka loo soo bixiyay, si ay u xaqiijiyaan ammaanka xayndaabka madaxtooyadda Somaliya oo maanta xaaladeeda ay tahay mid adag.



