600 Deg Deg:Siyaasi Ka Hadlay Sarkaal Itoobiya U Soo Magacowday Maamulka Somali-diidka SNM. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Siyaasi Ka Hadlay Sarkaal Itoobiya U Soo Magacowday Maamulka Somali-diidka SNM.

Muqdisho{KHaatumonewsSiyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in magacaabista qunsulka Itoobiya ee Hargeysa ay muujineyso in ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed uu sare u qaaday maqaamka Somaliland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in maadama Shamsudiin uu horey usoo noqday safiir uusan noqon karin qunsul sidaas darteed uu yahay safiir.

Inkasta oo uusan si toos ah u dhihin, haddana hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa laga dhadhansan karaa inuuu soo jeedinayo in Abiy Ahmed uu Somaliland ula macaamilayo sida dal oo kale.

Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran:

in Anigga iyo Safiir Shamsudiin

Shamsudiin waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Xiligii wadahadal ka ee Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Jabuuti. Dhowr jeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hoggaaminayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ay ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yiri “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya.

Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsul. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland?


Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...