Hargaysa{KHaatumonews}Maanta Waxaa Lagu Wadaa in Magaalada WAJAALE ay Ku Kulmaan Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalilida Mustafe Muxumed Cumar  ( Cagjar ) Waxaana Kulanka la Qorsheeyay  siyaabo kala duwan uga dareen Celiyey Qalin-maalka iyo Qaybaha Bulshada .

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulankan Waxaa Qorshuhu Ahaa inuu Shalay Qabsoomo Balse Waxaa kulanku u Baaqday Sababo dhanka Madaxwaynaha Deegaanka ka Timid Laakiin Maanta ayuu Qabsoomi Doonaa.

Heshiiska ay Wada Galeen Dawladda Somalia iyo Ethiopia ayaa Dhigaya in Madaxda Maamullada Somalia aysan Booqan Karin Amar La aan Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Wadanka Ethiopia oo Hore Maamul Goboleedyada aysan ka Qoob Qaadi Jirin.

Lama oga Waxa Kulanka Maanta Looga Hadli Doona Waxaanse Toos u Muuqan Doonta Maanta in Qufil Wayn Qoloda Maamullada Lagaga Xidhay Inay Madaxda Sare ee Ethiopia La Kulmaan Taas Badalkeedana ay la Kulmi Karaan Madaxda Kililada Ethiopia.

Madaxwayne Farmaajo Ayaa u Muuqda inuu Ku Guulaystay Siyaasada Arrimaha Debeda siiba Dawladaha Dariska ah kuwaas oo Fara Ba,an Ku Hayey Siyaasada Arrimaha Gudaha Somali