Garoowe{Khaatumonews}Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu xusayo waqtigii la aasaasay ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Xuska sanad guuradii 74aad ee 20-ka december oo ah xilligii la aasaasay ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa taliska ciidanka booliska Puntland ee Garoowe kaga qaybgelaya masuuliyiin dowladda katirsan iyo saraakiil ciidan.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigi doonaa qoobka ciyaaro ay samayn doonaan ciidamada booliska Puntland ee ku sugan magaalada Caasimadda u ah Puntland ee Garoowe.