Deg Deg:Dawlada Soomaaliya oo Wafdi u dirtay magaalada Baydhabo

Iyadoo maanta magaalada Baydhabo ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay magaaladaasi u dirtay wafdi ka kooban labada gole ee dowladda.

Wafdigan ayaa kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.

Ujeedada wafdiga loogu diray magaalada Baydhabo ayaa ah inay  goobjoog ka noqdaan doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo Shan musharax ay ku tartamayaan.

Waxaa horey magaalada ugu sugnaa masuuliyiin xilal horey dalka kaga soo qabtay kuwaasi oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka qeyb galayay dhageysiga khudbadaha ay jeediyeen musharixiinta Tartameysa.

Waxaa aad loo hadal hayaa Musharax C/Casiis Lafta Gareen oo dowlada dhankeeda loo xaglinayo, waxaase la tartamaya musharixiin kale oo aan la dhayalsan karin.