Deg Deg Daawo Video:Xasan Daahir Aways U Jawaabay Khayre,
Xasan Daahir Aweys, oo ah xubin hore oo Al-Shabaab ah, kaasi oo xabsi guri ugu jira dowladda, ayaa fariin muuqaal ah oo uu iska soo duubay wuxuu kaga fal-celiyay eryadii muranka abuuray ee kasoo yeeray dhowaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo umuuqday mid si carro ah uga hadlay Hindisaha xilka qaadista ee Madaxwayne Farmaajo ayaa ku tilmaamay mid la doonayo lagu cabsi geliyo, taasi oo uu gabi ahaanba meesha ka saarey.“Way nala yihiin nala shaqeeya hadii kale waa idin ridaynaa..Manala cabsi gelin karo..Horumarka Soomaaliya kama raadineyno qabqablayaal, waxaan ka raadineynaa shacbiga Soomaaliyeed,” ayuu Khayre ka yiri 15-kii bishaan kulan uu la qaatay jaaliyada Qadar.
Aweys ayaa ku tilmaamay hadaladda Ra’iisul Wasaaraha kuwa meel ka dhac ku ah Xilldhibaanadda Gollaha Shacabka, isaga oo si wayn uga digay inay ka dhalatay xaalad uu carabka ku adkeeyay inuu dalka kasii baxayo, wuxuuna ku baaqay in xaalka ka dejiyo.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wuxuu ku sifeeyay erayadda xanafta lahaa ee Khayre ka dhawaajiyay kuwa “xushmad darro iyo aflagaado ka dhan ah” Sharcidejiyasha dalka, taasi oo ku nuux-nuux saday inay dhabaha uxaareyso inay xiisadda kasi darto
“Hadalkii uu Ra’iisul Wasaaruhu ka akhriyay Qadar, gaar ahaan qaybta dambe ayaan dhageystay, waan yaabay…nimankii [mudanayaasha] dowladda ku taagneyd ayuu ku tilmaamay qabqablayaal, iyo manala cabsiin karo, waawarey..maxaa meesha kasoo baxaya hadii la is-caayo oo xushmad darro ay meesha timaado, waa halis,” ayuu yiri Xasan.
Mooshinka ka yaallo Madaxwaynaha oo uu soo hadal-qaaday ayuu ku baaqay in horey loosoo wado, islamarkaana la horgeeyo Gollaha, iyadda oo la raaayo waxa uu ka qabo Dastuurka wadanka yaala, inkasta oo Aqalka Hoose uu ku kala qaybsan yahay sharciyadda Hindisa.
Faragelinta ay dowladda ku haysto maamuladda xubnaha ka ah dowladda dhexe ayuu si wayn uga digay, isaga oo soo jeediyay in loo madax-banaaneeyo arrimahooda gaar ah, si ay shacabkooda horumar ugaarsiiyaan.
Xasan Daahir Aweys oo kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa kooxda cilaaqaadka la leh Shabakadda Al-Qaacida ee ka dagaalanka dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa muuqaalka cusub ee uu soo duubay wuxuu qayb ka yahay kuwa kale oo taxane ah, oo ku dhaliilay maamulka hadda jira.