Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri;

Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed.

Shaqo abuurka

Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah.

Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Mareykanku sheegey in la horumarin doono  si shaqooyin badan loo u abuuro.