600 Deg Deg:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Murankii Badda Soomaaliya iyo kenya, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Murankii Badda Soomaaliya iyo kenya,

Muqdisho{ KHaatumonews }Maanta waxaa ku eg maalinta ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ u qabatay dowladda Kenya in ay kaga jawaabto dacwadda dhinaca Badda ah ee ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda.

2dii February ee sanadkan Maxkamadda ICJ ayaa go’aamisay in muranka u dhaxeeya labada dal ay maxkamadda geli karto islamarkaana dal kasta laga doonayo in uu soo dhameystiro sheegashadiisa,

kaddib dood dhexmartay Qareenada labada dhinac oo ay Maxkamadda dhegeysatay ayey kuwa Kenya u qabatay in ay soo gudbiyaan kiiskooda la xiriira muranka ay ka qabaan dacwaddan in ay Maxkamadda qaaddo iyada oo u qabatay inta u dhaxeysa 18ka June ilaa 18ka December 2018 oo maanta ku eg.

Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Kenya ku dacweysay ICJ kaddib markii ay Kenya meelo ka mid ah biyaha Soomaaliya ruqsad u siisay sharikado badda shidaal ka baaraya.

Kenya ayaa ku doodday in muranka biyaha ee labada dal u dhaxeeya ay tahay in ay meel gaar ah oo aan Maxkamadda ahayn ku xalliyaan,hayeeshee Soomaaliya ayaa ka biyaddiiday,waxaana ay ku guuleysatay in Maxkamadda gasho kiisaas oo ilaa hadda taagan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...