Deg Deg:Kulankii Khayre iyo Mursal iyo Arimaha Looga Hadlay,

Muqdisho{Khaatumonews}Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan ku leh magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ka socda Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ku dhow Isgoyska Zoobe, halkaasoo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, ciidamada Amniga ay goor sii horeysay xireen.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo arrimaha xiisada Koofur Galbeed, Mooshinka ka yaalla Madaxweyne Farmaajo.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in kulan la doonayay in la isu keeno Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal uu qabsoomi waayay, kaddib markii dhanka Madaxweynaha ka adkaatay.

Labada Mas’uul ayaa ku kulmaya meel ka baxsan Madaxtooyada, waana markii u horeysay ee Madaxtooyada loo arko meel aan dhex dhexaad aheyn, halkaasoo todobaad ka hor uu ka soo guuray Guddoomiye Mursal, kaddib xayiraado la saaray markii uu qabtay Mooshinka.