War Deg Deg Ah:-Daacish oo Toogatay 14-Dagaalyahan oo Al shabaab Ah.

Boosaaso{Khaatumonews}Ururka Daacish ayaa sheegtay in 14ka mid ah Al-shabaab ay ku dishay duleedka Degmada Qandala ee Gobolka Bari,halkaas oo ay Daacish sheegtay in ay weerar ku qaadday saldhig ay AL-shabaab ku sugnaayeen.

War lagu daabacay Bogga Acmaaq ee ku hadla Afk Daacish ayaa lagu sheegay in Ciidamada Daacish ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidanka Al-shabaab ku lahaayeen degaanka B’ir Mirali oo koofur Galbeed uga beegan degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Daacish waxaa ay sheegtay in Saldhigga ay weerartay ay Al-shabaab ka abaabulayeen weerar ka dhan ah Daacish,kana hortagay iyada oo sheegatay in Hubkii ay Raggaasi wateenna kala wareegeen.

Dagaalkan oo aysan ilaa hadda xaqiijin dowlad GoboleedkaPuntland ayaa ku soo aadaya iyada oo dhawaan Daacish ay ku hanjabtay in ay bilaaabeyso dagaal aargudasho ah oo ka dha ah AL-shabaab kaddib markii ay ku eedeysay AL-shabaab in xubnaha ka mid ah Daacish ay ku bartilmaameedsadaan Koofurta Soomaaliya.

Wargeyska Long War Journal oo soo xiganaya Acmaaq ayaa sheegay in Daacish ay billowday wax uu ku sifeeyay jawaab falcelin u ahweerarrada ka dhanka ah xubnaha Daacish ee ay Al-shabab ka geysato meelo ka mid ah Soomaaliya.