Muqdisho{Khaatumonews}Warar hoose ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu ka biyo diiday in Ciidamadiisa lagu daro kuwa Maamulka Koofur Galbeed.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Villa Somalia ayaa wada hadal kula jirta Mukhtaar Roobow oo Maxbuus ah waxaana shalay la qorsheynayay inuu Warbaahinta la hadlo balse Shuruudaha qaar ayaa la isku mari la’yahay wali.
Dowlada Dhexe ayaa dooneysa in Ciidamada Mukhtaar Roobow ay la wareegto Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed sidaas uu ku noqdo shaqsi caadi ah, iyadoo loo sameynayo ciidamo kooban oo ilaallo u noqda.
Sidoo kale Dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqday Roobow inuu si toos ah u cambaareeyo Falalka Xaqjirnimada ee Al shabaab iyo inuu Shacabka Soomaaliyeed ka codsado inay cafiyeen maadaama uusan wali goob fagaare ah Shacabka kaga codsan inay saamaxaan.
Mukhtaar Roobow ayaa biyo diidan shuruudahaasi isagoo sheegay inuu hore u cadeeyay Mowqifkiisa Al shabaab, dagaalna uu kula jiro sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed uu hore ula hadlay.
Abuu Mansuur ayaa ogolaaday inuu ka tanaasulo Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed balse uusan aqbaleynin Shuruudahan ay hore ugu heshiiyeen Dowlada oo dib loogu soo celiyay.
Waxaa lagu wadaa inuu Warbaahinta la hadlo marka uu soo dhamaado Wada hadalka uu kula jiro Dowlada.
