Deg Deg Daawo:Cabdiraxman Cabdi Shakur Oo Soo Bandhigay Qoraal iyo sawiro Uu Ku Kicinaayo Beesha Hawiye

Muqdisho{Khaatumonews}Ayadoo mudo sanad ah kasoo wareegtay goortii dowlada Soomaaliya weerarka ku qaaday guriga magaalada Muqdisho ka deganaa hogaamiyaha xisbi mucaaradka Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa goor dhow bogiisa facebook soo dhigay qoraal iyo waliba sawirada dhalinyaradii lagu dilay weerarkaas waxaana oga hadlay arimo kicin Qabaa il u eeg,

Maanta oo ay taariikhdu tahay 17 December 2018, waxay ku beegantahay sanad ka dib weerarkii lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir ee Magaalada Muqdisho. Waxaan u baroor diiqaynaa shuhadadii shanta ahaa ee weerarka lagu dilay, maydkoodana xabaal wadareed lagu aasay, iyagoon waalidkood la tusin’.ayuu yidhi Cabdirahman,

Siyaasi Cabdiraxman hadalkiisa siiwata aya yidhi’waxayaandari wayn ah in Dawlada Federaalka ah aysan ilaa iyo haatan, baaritaan ka samayn, cadaaladana hor keenin kuwii fal danbiyeedka gaystay. Xisbigga Wadajir wuxuu aaminsan yahay in xil ku abaalmarinta kuwii gabood falka gaystay ay marqaati u tahay in hoggaanka sare ee dawlada uu fal-danbiyeedka ku lug leeyahay. Anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga waxaan shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta damiirka leh, waxgaradka iyo bulshada rayadka ahba ka codsanaynaa in ay nala baroor diiqaan nala xusaan maalintaas.’