600 Deg Deg Daawo Video:Dawladda Somalia Oo Xoog Ku Joojisay Xaflad Loogu Baroor Diqaayay Maleeshiyo. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Dawladda Somalia Oo Xoog Ku Joojisay Xaflad Loogu Baroor Diqaayay Maleeshiyo.

MUqdisho{Khaatumonews}Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay inta badan xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana qeybo badan oo magaalada lagu soo daadiyay ciidamo iyo gaadiid dagaal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin sababaha maanta loo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho , waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dowlada sababaha ay wadooyinka u xirtay qeyb ka aheyd joojinta munaasabad Muqdisgo ka dhaci laheyd.

Xisbiga Wadajir uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta lagu waday in Hotel kuyaala Muqdisho ku qabtaan munaasabad loogu baroor diiqi lahaa ciidamo ilaalo u ahaa CC Warsame oo sanadkii hore lagu dilay gurigiia.

Ciidamada amaanka ayaa xiray Hotelkii la qorsheeyay in lagu qabto munaasabada baroor diiqda, waxaana wadooyinka soo gala hoteelkaasi lagu jaray gaadiid dagaal si aysan uga dhicin munaasabada loona imaan.

Waxaa baaqday gabi ahaan munaasabadii boordiiqda ee lagu waday in ay qabtaan Xisbiga uu hogaamiyo Siyaaiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, waxaana arinan ka xumaaday ubno kamid ah xisbiga Mucaaradka ku ah Dowlada  ee Wadajir

Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ayaa sanadkii hore Weerar ku qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana weerarkaasi ku dhintay shan kamid ah ilaalada Hogaamiyaha Wadajir.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA
Deg Deg Daawo; Booliska Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay
- Jan 18, 2021
Booliska wadanka Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay https://www.youtube.com/watch?v=dttG-WKO_c4
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...