Deg Deg:Dowlada Somalia oo ku Dhawaaqday War Lama Filan Ah.

Muqdisho{Khaatumonews}Dowladda Federalka Somaliya ayaa maanta gabi ahaanba ku dhawaaqday in la xiray Xabsiga Godka Jilacow oo ka mid ahaa goobaha lagu xiro dadka shacabka ah ee lagu qabto hawlgalada ciidankii Nabad Suggida ay ka sameyn jireen Muqdisho.

Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Wasiirka Cadaaladda Somaliya, ayaa Saxaafadda kula hadlay Xarunta Xabsiga Godka Jilacow, halkaasi oo ay ka sheegeen in la xiray gabi ahaanba Jilacow.

Xarunta Xabsiga Godka Jilacow waxaa loo bixiyay Xarunta Academiyada Jilacow, halkaasi oo hadda kadib noqon doonta meel tababar lagu bixiyo.

Wasiir Islow ayaa sheegay sababta ugu wayn ee xabsiga Godka Jilacow loo xiray inay tahay arrimo la xiriira cabasho kala duwan oo katimid qaybaha Bulshada iyo Hay’addaha xuquuqda Aadanaha u dooda.

In badan oo ka mid ah dadka reer Muqdisho ayaa si waynu garanaya xabsiga Godka Jilacow oo badanaa dadka lagu eedeeyo Shabaabnimada lagu xiri jiray.

Wasiirka Amniga Somaliya ayaa sheegay dadka hawlgalada lagu soo qabto hadda kadib in laga raadin doono Saldhigyada Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.