Deg Deg::-Dawlada Oo Rooboow Ka Saxiixatay Hal Qodob Oo Saameyn Leh

Muqdisho{Khaatumonews}Dawlada Soomaaliya ayaa waxay ugu dambeyn guul ka gaartay inay af qabasho ku sameyso Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur oo muddo seddex cisho ah Xabsi ku heysay Muqdisho.

Khamiistii Todobaadkii hore ayaa waxaa la sheegay in Rooboow si qasab ah looga soo kaxeeyey Baydhabo waana mid ay Buuq Siyaasadeed Hor leh ka dhalatay.

Dawlada waxay ku guuleysatay in Abu Mansuur ka reebto Doorashada Koonfur Galbeed sida xogaha aan ku helnay,kuna dhawaaqay inuu mabda’ ahaan ka tanaasulay falalkii Argagaxisada ahaa ee uu kusoo caan baxay.

Qaar ka mid ah Dadka Ololaha doorashada Koonfur Galbeed u qaabilsanaa Rooboow Abu Mansuur waxay ka niyad jabeen sida loo bah dilay Sheekha oo Awood ka weyn loo isticmaalay.

Ilo wareed aan ka helnay Hay’ada Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in Rooboow meel wanaagsan la geeyey oo maxbuus shakhsiyeed keliya ka maqan tahay sida kalena uu yahay qof caadi ah.

Ma cada mustaqbalka sida Abu Mansuur noqon karo ma sida Xasan Daahir mise sidii Saraakiishii Carabta iska dhiibay Ee Magan galyada helay.