Muqdisho{Khaatumonews}Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho kulan deg deg ah oo ay iskugu yimaadeen gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeen.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

kulankan oo ka ka socda hotelka Pradise ee Magaalada Muqdisho ayaa mid albaabadu u xiran yihiin oo aan saxaafada loo ogoleyn.

Lama oga waxyaabaha laga wada hadlayo balse waxaa loo badinayaa in la isla falanqeynayo sidoo loo soo afjari lahaa khilaafka ka dhashay mooshinka madaxweyne Farmaajo laga keenay iyo kala dirista guddiga Maaliyada.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan ay soo qaban-qaabiyeen dhinacyo kala duwan oo waan waan ka dhex waday labada dhinac.