MUqdishoRa’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa ka hadlay markii ugu horeysay hadalkii muranka dhaliyay ee kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha wadanka Itoobiya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Abiy Axmed, wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa tirro labo jeer ah oo la kulmay Madaxwayn Farmaajo, ka dhawaajiyay hadalo xasaasiyad xoogan ku abuuray Bulshadda Soomaaliyeed.

Markii koowaad – Bishii June kadib socdaal uu ku yimid magaalo madaxda Soomaaliya oo uu ku laabtay wadankiisa, wuxuu usheegay shacabka dalkiisa inay ku heshiiyeen Farmaajo in la mideeyo labada dowladood.

Kol labaad – bishii November, socdaal ay si wadajir ah u gaarey magaalada Baahir Dar, markaasi oo ay wehliyeen hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Eritrea, wuxuu Abiy shaaciyay in saddexda dal aysan mustaqbalka lahaan doonin hal hogaamiye.

Shacbiga Soomaaliyeed oo kolkii hore xasaasiyad wayn ka qabay Itoobiya oo ay u arkaan cadow ayaa oraahdyadda saameynta leh ee kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxay kala kulmeen maqaar xanuunjis badan

Balse, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa xaaladda qaboojiyay bilooyin kadib, inkasta oo lagu dhaleeceeyay Madaxwayne Farmaajo inuu shacabka ufahfaahin ulajeeda hadalka Abiy Axmed

.“Madaxwayne Farmaajo inta uu tago Addis Ababa…oo uu heshiis la galo Itoobiya ama Eritrea ma oran karo waan midoobeynaa saddexda gobol [dal]…Mana ahan wax qarsoomi kara heshiisyo noocaasi ah…Marka waxaanu ubaahan nahay inaanu waxba iska [abuuran],” ayuu yiri Khadar.

Ugu dambeyntii, Khadar ayaa oo fahfaahin ka bixiyay heshiisyadda uu Madaxwaynaha la galay dalalka deriska ayuu ku nuux-nuux saday inay yihiin kuwa kaliya ku kooban dhinaca Dhaqaalaha iyo Amniga, balse aanu qusaynin siyaasadda.