MUqdisho{Khaatumonews}Warar hoose Ay Heshay Khaatumonews.com  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki uu u bandhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajoin Dowladiisa ay wada hadal la gasho Ururka Al shabaab si loo afjaro colaadaiyo Dagaalada labada dhinac.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Isaias Afwerki ayaa sheegay in Talaabadan ay Nabad ka abuureyso Soomaaliya iyo Gobalka maadaama Hubka iyo Ciidanka Al shabaab ay Dowlada la wareegeyso hadii labada dhinac ay Wada hadalka ku heshiiyaan.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa usoo jeediyay dhigiisa in Sedexda Dal ee Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ay ka shaqeeyaan sidii Alshabaab Wada hadal loola gali lahaa, iyadoo Dowlada ay xalineyso hadii Tabashooyinka ay soo bandhigtaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dhowr jeer cafis uu u fidiyay Al shabaab isla markaana uu siiyay Fursad ay isku soo dhiibi karaan balse sida Muuqata ay caadeysteen daadinta dhiiga Shacabka, wuxuuna u cadeeyayin Dagaal kaliya ay Dowlada Soomaaliya ku ciribtireyso Al shabaab iyadoo kaashaneysa Dalalka Saaxiibka la ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid aysan suurta galla aheyn in Al shabaab Miiska Wada hadalka soo fariistaan 

Labada Madaxweyne waxaa ay garawsan yihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan,