War Deg Deg Ah:-Farmaajo oo Hal Shardi ku xiray inuu la Kulmo Guddoomiye Mursal
Muqdisho{Khaatumonews}Xog gaara ayaa sheegeysa in Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare iyo Siyaasiyiin ay u istaageen xal u helida Khilaafka ka dhashay Mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya.
Masuuliyiintan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Madaxtooyada Dalka, iyagoo ka codsaday inuu aqbalo kulan ay isku soo hor fariisinayaan isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka si loo wada hadlo.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo Khaatumonews la wadaagay xogtan ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la shardi ku xiray lakulanka Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan taasoo ah inuu kusoo laabto Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho.
Dadaallada ayaa waxa wadda xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare iyo sidoo kale qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana ay iskudayayaan inay Guddoomiyaha kusoo celiyaan Halkii uu ka degenaa Madaxtooyada s iuu howlahiisa usii wato.
KHAATUMONEWS
