Baydhabo{Khaatumonews}Wararka ka imaanaya magalaada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in goordhaw mar kale magaaladaasi dib uga bilowdeen banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo xariga Sheekh Mukhtaar Roobow.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DHAGAYSO

Banaan baxayaasha ayaa gubaya taayaro waxa ayna ku dhawaaqayaan ereyo ay uga soo horjeedaan dowlada Federaalka, waxa ay sidoo kale dalbanayaan banaan baxayaasha in Abuu Mansuur lasoo daayo loona ogolaado in uu tartamo.

Inta badan ganacsigii ka jiray magaalada Baydhabo ayaa xirmay,. waxaana goobaha qaar lasoo sheegayaa in laga maqlayo rasaas goos goos ah oo la doonayo in lagu joojiyo banaan baxyada rabshadaha wata.

Isgaarsiinta magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale goordhaw hawada laga saaray, waxaana hada adag in si dhab ah loo ogaado waxyaabaha ka socda magaalada Baydhabo oo maalintii sadexaad ka socdaan rabshado.