Waxaa soo gaadhey Magaalada saaxdheer ee koonfurta gobolka sool wafti uu hogaaminayo Garaad Maxamed Garaad Kulmiye Garaad Dool iyo dhamaan ergooyinkii gogsha nabada ku soo afjarey magaalada Jig jiga iyo Cuqaasha Beelaha BAHA-KHAYR .

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!


Waftiagan ayaa ka soo kicitimey magaalada Jig Jiga ee xarunta dowlada deegaanka Soomaalida Ethiopia Waxaana maalnimadii shalay lagu soo dhaweeyey magaalada Saaxdheer , iyadoo uga soo gudbey maanta magaalada Kalabaydh .

Ujeedka Socdaalkan ayaa ah in lagu maro dhamaan deegaanada ay ka dheceen colaadaha ,Waxaana hogaaminaya gudigii ergada ee labada dhinac , iyadoo uu hogaaminayo Garaad Wiil Waal .

Waxaana lagu wadaa in ay soo gaadhaan magaalada Laascaanood marka ay so dhameeyaan dhamaan deegaanadaasi.