Xilligan Sooomaaliya arrimaha gudaha qalaalase xoogan ayaa ka taagan.
1.Golihii baarlamaanka oo kala jaban iyo mooshina laga keenay madaxweynaha.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!


2.Gudigii maaliyadda oo muran ka taagan tahay.
3.Baydhabo oo qalalaase siyaasadeed ka jiro.
4. Maamul goboleedyadii kale oo loolan siyaasadeed iyagana uu ka socdo.
5.Siyaasiyiin kale oo xukuumada ku kacsan.

Halkaa marka xaalku marayo waxaa dalka oday ka ah madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay tahay in uu arrimahan badankooda ka hadlo, dalka iyo dadkuna ay isha ku hayaan.

Waa madaxweynaha kaliya ee Soomaaliya Soomaray ee aan ilaa hadda shir saxaafadeed furan qaban oo aanay saxaafadda madaxda banaan su’aalo toos ah weydiin, waana madaxweynihii ugu horeeyey ee aan warbaahin madax banaan waraysi dheer oo su’aalo badan oo dalka iyo dadkuba danaynayaan aan wali yeelan, waa madaxweynaha ugu baqdinta badan la kulanka warbaahinta kala duwan.

Hoggaamiyuhu wuxuu had iyo jeer ugaadhsadaa xilliga hadalku habboon yahay, wuxuuna aamusaa xilliga aamusku habboon yahay, kolka xaalku ugu qasan yahay ayuu madaxweynuhu shibta galaa, kulamo aan su’aalo lagu weydiin karina xoogaa hadal ah oo uu siyaasiyiinta xanaaqsan rag uu ula baxay xoogaa ku turaa, daad iyo moosasna soo qaadaa madaxweyniheenu, xilliga daadku qarqarada soo jabsado ee biyuhu kursiga madaxtooyada hoos hoganayaan sida baliyada way adag tahay in muuqiisaba la arko.

Taageerayaasha iyo mucaaradkaba madaxweyne ayuu u yahay Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, uma baahna kaliya Qawqaa’iyiinta baraha bulshada in ay xukuumadda u hadlaane waxay u baahan yihiin madaxdu in ay bulshada la hadlaan oo su’aalo in la weydiiyo ogolaadaan oo baqdintan iska dhaafaan waxaa ku dawoobaya su’aalo badan oo dadku is weydiinayaan, maanta mujtamacii Soomaaliyeed waxaa ladoonayaa in loo kala qaybiyo laba qaybood kii nabad iyo nolol u sacaba tuma gar iyo gardaro waa wadani kii dhaliisha u sheegaana waa qaran dumis.

Qaran dumiskii ugu danbeeyey wuxuu ahaa kay nabad iyo nolol dhaqaalaha ugu badan ku bixiyeen oo ah guddoomiyaha golaha shacabka, waa kii ay gacantooda ku keensadeen ayuu raysal wasaaruhu bulshada u tusinayaa qabqable kula gorgortamaya xukunka , Mudane waa dhaliil xagiina ka timi maanta in aad isku murugtaan guddoomiyihii golaha shacabka ee aad idinku keensateen waa arrin xal idiinka baahan, Ma habboona in shacabka ilmo Yaxaas hortooda layskaga tir tiro,dhaliilo badan ayaa dul hoganaya madaxda xukuumadda gaar ahaan madaxweynaha oo arrimo badan oo uu bulshada hoggaamiye ugu ahaa aanay muuqan, waxaana sii xoogaysanaysa kala qaybsanaanta bulshada.

BY Asad Adaani Ibrahim