Muqdisho{khaatumonews}Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu ka hadlay goordhaweyd Shir jaraa’id uu Qabtay kaga hadlay Arimo Xasaasi Ah Oo Dalka ka taagan.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gudoomiye Mursal ayaa ugu horeyn muujiyey sida uu uga xun yahay Xasarada ka taagan Magaalada Baydhabo oo Banaanbax Rabshado dhiig ku daatay ay maalintii seddexaad ka jiraan.

Waxa uu tacsi u diray Ehelka dadkii Rabashadaha Baydhabo ku naf waayey,isagoo ugu baaqay in ay dadka is dejiyaan oo Xaalada Nabad gelyadeeda laga shaqeeyo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ayaa sheegay in si sharci daro ah loo maray Xariga Murashax Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur,isagoo ku baaqay in la sii daayo dibna loogu celiyo Deegaankii laga soo qabtay.

‘Sida U qabo Dastuurka Soomaaliya Muwaadinkasta waxaa U Banaan In La doorto isna wax Dooran karo Mukhtaar Roobow Waa Muwaadin soomaaliyeed Oo Buuxiyay Shuruudaha Doorasho sida ay Cadeeyen Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed’  ayuu yidhi Mursal

Maxamed Mursal ayaa ugu dambeyn qiray inay jirto Caburin iyo is hortaag cad oo Golaha Fulinta ay ku hayaan Xildhibaanada oo ah kuwa ka madax banaan golahaas islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay mooshinka keeni karaan.