Deg Deg Daawo Video:-R.W Kheyre“Hadalkii ugu adkaa ku weeraray xildhibaanada mooshinka Wada,

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka dowladdiisa, xilli todobaadkan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay mooshinka geeyeen Madaxweyne Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Doxa ayaa sheegay in inta ay xukunka joogaan aan la cabsi gelin doonin, isla markaana aanay aqbali doonin in laga leexiyo dariiqa saxda ah.

“Inta aan annaga joogno xukunka, waxaan idin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nala cabsiiyo, in aan aqbali doonin in dariiqa saxda ah nagala leexiyo, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadaladiisa laga dareemay carro.

Ra’iisul Wasaaraha oo sii hadlayay ayaa yiri “Inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlayo kayga iyo kan Madaxweynaha waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno qabqablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomaaliyeed”

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa wajaheysa xiisado siyaasadeed oo ka dhashay mooshin xil ka qaadis laga gudbiyo Madaxweynaha, kaasoo uu 9-kii bishan qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka, xaalada ka taagan Baydhabo ee ka dhalatay xariggii Mukhtaar Roobow, waxaana xaaladaha soo kordhay ay u muuqdaan kuwo ka duwan marxaladihii hore, marka loo eego sida dowladdan uga soo gudbay qalalaasihii soo maray ee ugu dambeysay ridistii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.