Muqdisho{Khaatumonews}Xidhibaannada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan bandhig ah ku sameeyay magaalada Muqdisho, iyadoo ka hor yimid mooshinka laga keenay Madaxweynaha.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Xildhibaannada isugu tegay ayaa tiradooda lagu sheegay inay gaartay 135, iyadoo hore loo sheegay inay intaasi ka badan yihiin, waxaana kulanka hadallo ka jeediyay xildhibanno kala duwan oo eedeyn u jeediyey guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo ku dooday inuu jabay mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha.
Baaq ay kulankooda kasoo saareen ayay ku baaqeen in si deg deg ah loo furo kulamada Golaha Shacabka, si shaqada Golaha loo dardargeliyo, isla markaana laga gudbo mooshinka madaxweyne Farmaajo.


