600 War Deg Deg Ah:Dawladda Somalia Xidhay La-taliyaha Guddoomiye Mursal | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Dawladda Somalia Xidhay La-taliyaha Guddoomiye Mursal

Heyadda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa la sheegay inay la wareegtay Gaari dagaal iyo ciidamo ilaalo uu ahaa la-taliyaha guddoomiyaha Baarlamanka Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)  oo hore u ahaa taliye ku xigeenkii NISA.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada NISA ay u dhacen xarun uu degan yahay taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano (Jaamac), iyadoo kala wareegay Gaari, isla markaana xabsiga u taxaabay ciidamo ilaa 7 askari ah oo ilaalo u ahaa kuwasoo uu hore u heystay.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ah nin aad ugu dhow guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, waxaana la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha guddoomiyaha xiiligan la safan, qeybtana ka ah qorshaha mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne Farmaajo.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa laga soo xigtay in gaariga iyo ilaalada lagala wareegay Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ay markii hore laheyd NISA haatana ay dib ula soo laabatay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA
Deg Deg Daawo; Booliska Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay
- Jan 18, 2021
Booliska wadanka Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay https://www.youtube.com/watch?v=dttG-WKO_c4
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...