600 War Deg Deg Ah Daawo Sawiro:Xildhibaano Lagu Dilay Baydhabo iyo xaalada oo Cirka isku Shareertay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo Sawiro:Xildhibaano Lagu Dilay Baydhabo iyo xaalada oo Cirka isku Shareertay

Baydhabo{khaatumonews}Iyadoo dibad-baxyo rabshado wata ay saaka maalintii labaad ka socdaan magaalada Baydhabo ayaa warar goor dhow magaaladaas naga soo gaaray waxay sheegayaan in la dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Koonfur galbeed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka xildhibaankan oo magaciisa la oran jiray Cabdishakuur Buule kaasoo ka dhacay agagaarka Bankiga magaalada Baydhabo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay xildhibaanka ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamo halkaas ku sugnaa, iyadoo warar kalena ay sheegayaan iney ku dhacday  rasaas la isweydaarsaday.

Waxaa Baydhabo lagu daadiyey saaka ciidamo booliis ah oo la doonayey iney furaan jidadka laakin waxaa ka hor istaagay maleeshiyo beeleed taageersan Mukhtaar Roobow sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa weli kacsan, waxaana la soo sheegaya iney jiraan dad kale oo saaka ku dhintay rabshadaha magaalada ka socda oo haatan u muuqda kuwo faraha ka sii baxaya.

Waxaa xiran dhamaan wadooyinka Magaalada iyo ganacsiga, shacabka ayaa ku xiran guryahooda, iyadoo jahwareer xoogan uu halkaas ka taagan yahay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...