War Deg Deg Ah:–Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Xaaladda Baydhabo
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay beesha caalamka kasoo saartay xaaladda magaalada Baydhaba ayaa looga hadlay doorashada K/Galbeed iyo xaaladda Baydhaba.
Warka oo aad u koobnaa ayaa lagu sheegay in Beesha caalamka ay si weyn uga walaacsan tahay xaaladdaha ku soo kordhay maamulka K/Galbeed, iyadoo tacsi loo diray xildhibaankii maanta lagu dilay magaalada Baydhaba ee qalalaasaha ka socdaan.
Qoraalka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ka horjeedaan gacan-ka-hadalka iyo falalka kale ee uga sii dari kara xaaladda bani’aadamnimo, loona baahan yahay in wadajir loo taageero qorshaha lagu heshiiyay ee Guddiga Doorashada, waxaana dhammaan dhinacyada kala duwan loogu baaqay inay xushmeeyaan madax bannaanida hanaanka doorashada.
Waxay Beesha Caalamka adkeysay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafaadka siyaasadeed, waxna laga qabto caqabadaha kale ee jira si hore loogu wado horumarka siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.
Dalalka bayaanka soo saaray waxay kaal yihiin: = Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM and the United Nations