Baydhabo{khaatumonews}Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada KHaatumo News ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya goordhaw magaalada Baydhabo ku xireen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed .
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Abuu Mansuur ayaa la sheegay in lagu xiray meel aan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in Saraakiil Itoobiyaan ah balamiyeen kadibna la xiray.
Xiisad ayaa laga soo sheegayaa magaalada Baydhabo oo ka dhalatay xariga la sheegay in loo geestay Afhayeenkii hore ee Al Shabaab Abuu Mansuur hadana kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in cadaadis xoogan ku heysay Abuu Mansuur, waxaana horey qoraal kasoo baxay Wasaarada Amniga gudaha lagu amray in uusan ka qeyb gali karin doorashada Koonfur Galbeed
