Hargaysa{Khaatumonews}Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheer ayaa la sheegay in uu xalay wajiga Mobile iPhone ah kaga dhuftay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ka dib is af-dhaaf dhex maray labada guddoomiye.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Arrintan oo ka dhacday Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa la sheegay in dhaawac uu wajiga ka soo gaadhey guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Si kastaba Arintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo dhowaan ay Warbaahinta Horteeda ay Hadalo kulul isku dhaafsadeen, Xili Hargeisa lagu soo dhowaynayey Gudoomiyaha Shirkadda Telesom
HALKAN KA DAAWO MUQAALKI HORE LA ISKU JIIDHAY Faysal Iyo Axmed Dheere