Deg Deg Daawo :-Madaxweyne Caan Ah Oo Ka Soo Degay Madaarka Muqdisho,
December 13, 2018
Muqdisho{khaatumonews}MadaxweynahaWadanka Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Caasimada Soomaaliya Magaalada Muqdisho.
Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah , Wasiiro, Xildhibaanoka tirsan baarlamaanka Ertrea iyo Ganacsato.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, wasiiro, iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho.
Wafdiga ayaa hada waxaa loo soo galbiyay Xarunta madaxtooyada soomaaliya, iyadoona halkaasi la filayo in ay kulamo ku qaataan Labada Madaxweyne.
