Boosaaso{Khaatumonews}Qaar kamid ah waxgaradka Gobolka Bari ayaa waxay si adag uga hadlay Mooshinka Xildhibaano katirsan baarlamaanka Somalia ay ka keeneen Madaxwayanaha umadda somaliyeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxgaradkaan oo soo booqday Istuudiyaha Marqaannews ee Boosaaso ayaa waxay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in xilligaan shacabka somaliyeed ay dhagahooda maqlaan mooshin ka dhan ah madaxwaynaha,
Odayaashaan ayaa waxay sheegeen in ay jiraan odayaal dhaqameed ku abtirsada beelaha Muqisho oo ay ku jirto Caadifad qabiil in ay qayb ka yihiin dadka gadaal ka riixaya mooshinka iyagoo leh “Farmaajo oo daarood ah sidee ayay shacabka ujeclaan karaan oo uu dalka uhogaamin karaa”.