Muqdisho{Khaatumonews}Madaxweynihii hore ee Jamuuriyadda  Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku sugan magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa ka hadlay mooshinka ay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Cabdiqaasim ayaa sheegay in wadanka uu ka jiro isbadal balaaran loona baahanyahay in dalka aanan dib loo celin, oo mooshin iyo wax la mid ah waqti looga lumiyo.

Waxa uu sheegay in haddii ay jiraan waxyaabo qaldan sida heshiisyada madaxweynaha uu la galay dalalka deriska, ay tahay in laga wada-xaajoodo oo la eego.

HALKAN KA DHAGAYSO

Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay dhamaan xildhinaabada inay muujiyaan isku duubni, sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka waddanka.