600 War Deg Deg Ah Daawo Vdeo:-War Culus Oo Ka soo Kordhay Murankii Barlamaanka Soomaaliya. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo Vdeo:-War Culus Oo Ka soo Kordhay Murankii Barlamaanka Soomaaliya.

Muqdisho{Khaatumonews}Gudoomiye kuxigeenada golaha shacabka Soomaaliya ayaa goordhaw soo saaray go’aano adag oo u muuqda mid lagu go’doominayo laguna cadaadinayo Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen Labada Gudoomiye kuxigeen ee golaha shacabka ayaa lagu sheegay in goluhu uu galay khilaaf dastuuri ah oo saameyn ku yeelanaya habsami u socodka howlaha Baarlamaanka.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo Warbaahinta u aqriyay qoraalka ay soo saareen ayaa fara shaqaalaha Baarlamaanka in aysan ku lug yeelan khilaafka u dhaxeeya Gudoonka Golaha.

Mahad Cawad ayaa sheegay in Xarunta Villa Hargeysa aanay ku shiri karin Xildhibaanada kala aragti duwan, waxa uu sidoo kale sheegay in xarunta golaha shacabka aysan koox gaar ah ku shiri karin iyada aysan isla ogeyn gudoonka.

Gudoomiye ku-xigeenada golaha shacabka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in aysan jirin Guddiga maaliyadda iyo miisaaniyasda golaha shacabka, waxa ayna cadeeyeen in guddigaasi horey loo kala diray wax sharci ahna aysan ku fadhin.

Go’aanadan adag ee kasoo baxay Gudoomiye kuxigeenada golaha shacabka Soomaaliya oo taageero ka helaya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa u muuqda mid lagu go’doominayo gudoomiyaha golaha shacabka oo kahor yimid rabitaanka Madaxtooyada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...