600 Deg Deg::Raysal Wasaaraha Somalia Lacag Xukumadu Isku Difaacdo U Raadinya Qatar. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Raysal Wasaaraha Somalia Lacag Xukumadu Isku Difaacdo U Raadinya Qatar.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kusii jeeda magaalada Doha ee Caasimada dalka Qadar, Ra’isul Wasaaraha ayaana martiqaad ka helay Madaxda sare ee dowlada Qadar.

Sida aan xogta ku heleyno Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in beri ama beri dambo u ambo baxo dalka Qadar , waxaana qorshuhu yahay in Ra’isul Wasaaraha la kulmo madax sare oo katirsan dowlada Qadar.

Wali lama shaacin ujeedka safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagayo dalka Qadar, waxaana Xukuumada Doha kamid tahay dowladaha sida weyn u garab taagan dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

Safarka Ra’isul Wasaarhaa Soomaaliya ku tagayo dalka Qadar ayaa kusoo aaday xili xiisad siyaasadeed oo adag ay taagan tahay, waxaana jirta cabsi laga qabo in Ra’isul Wasaaraha baajiyo safarkiisa ama dib u dhac ku yimaado.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu waramayaa in uusan nasan uuna ku jiray kulamo siyaasadeed, waxa uuna kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha halka sidoo kale uu la kulmay Gudoomiye kuxigeenada golaha shacabka.

Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaaraha kulamo albaabada u xiran yihiin la qaatay Wasiirada ku jira golaha Shacabka, waxa uuna dhamaan kala hadlayay xiisada siyaasadeed ee soo korortay iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ka mid ahaa dadkii u ololeeyay in Gudoomiyaha golaha shacabka laga dhigo Maxamed Mursal Sheekh oo hada u muuqda mid dhabar jabin ku sameeyay Siyaasada Farmaajo iyo Kheyre.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...